Gumeysiga

Warbixintan waxaa ku eegayna qorshaha guumeysiga ee uu qarniyada kusoo maalayay qowmiyadaha ay gumeystaan Abbysinianku ee ku nool dhulka hoose ee Ethiopia.

Haddii ay shirkadaha India ay maalgashadaan dhulka Itoobiya oo boqollaal malaayiin ah ay ku qarash gareyaan si ay u beertaan dhulkaas. Tolow saboolnimada ma ka bixinaysa Itoobiya oo ma u horseedaysa in Itoobiya wax soo saar yeelato iyo keyd cunno iyo horumar dhanka technologiyada ah? Journalka Christian Science ayaa bayaan dheer kasoo saaray oo uu kaga jawaabayo su’aashaas isaga oo journalko soo bandhigay heshiiyo sir ah oo taliska Itoobiya la galay shirkadaha shisheeye.

Journalka ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay shirkada karaturi oo dhul weyn ka gatay dhulka baaxada weyn ee Gambella. Karaturi isaga oo tagin Ethiopia ayuu beec lagalay Ethiopia waxana dhulka uu ku gattay in bilkasta uu ka shubo lacag. matalan dhulka qiyaastisu le egtahay 100,000 hecter (boqol kii kun ee Higtaarba) waxuu ka bixiniya lacag gaadhaysa $116,000 (boqol iyo lixiyo toban kun oo Doolar).

Taas oo macnahedu yahay 100,000 hegtaar waxuu u dhigmaa $116,000 oo dollar bishii. Hadaba qiimahaas ma u dhigma dhulka. jawaabtu waa maya. waayo dhulka gaadhaya 100,000 oo hegtaar haddii la beero marka beertu soo go’do waxa Karaturi uu ku gadi doona ballagaas kasoo go’ay marku suuq geeyo lacag gaadhaysa $125 million (boqol iyo shan iyo labaatan million oo dollar). hadii hadaba balagi lagu suuq geeyo $125 million oo dollar waxa uu karatori ka bixiyay 0.09% wax u dhigma ayuu ku jooga qiimaha dhulkaasi.

Arrinkaan ayaa baadhitaanka Journalka cilmi baadhista ah ee Christian Science waxa uu tibaaxay in aysan isu dhigmin qiimaha dhulka ay sheegtay itoobiya inay kaga kireysay shirkada karatori iyo waxsoosaarkisu. Waxayna tilmaameysa inay jiraan heshiisyo qarsoon oo madaxda Itoobiya la gashay shirkadahaas oo ah in shaqsiyaad maamulka Itoobiya ka tirsan ay lacago aan ku xusneyn heshiiska ay qaadanayaan. Dhulka Itoobiya waxa gattay shaqsiyaad oo ka faa idaya.

Joornaalka ayaa waxa kale oo uu aad uga hadlay in dhulkaas Itobiya dadkii daggana la xasuuqay oo tacadiyo loo geystay. kadib markii dadki dhulka lahaa xoog lagu baro kiciyay. Lagalama tashan ayuu joornalku yiri dadka dhulka leh in dhulkoodi laga gadayo shirkado shisheeye. arooor uunba lasoo kordagay.

Haddaba dhulka Itoobiya ka gadayso shirkadaha shisheye maahan kaliya dhulka Gambella ee waa guud ahaanba dhulka Hoose ee Itoobiya.

Dhulka ay Itoobiya rabto inay shirkadaha shisheeye ka gado waxa kamid ah dhulka Somalida Ogadeniya, dhulka Ormada, Dhulka Gambella, Benshangul, canfarta iyo dhamaan dhulka loo yaqaano (lawland Ethiopia) dhulka hoose ee Itoobiya.

Dhulko hoose ee Ethiopia Vs Dhulka Sare ee Ethiopia

Dhulka Itoobiya sida caalamku u yaqaano ama qariirad ahaan ay u qorantahay waxa uu u qaybsama laba qeybood oo lakala dhaho dhulka Sare ee Itoobiya iyo dhulka hoose ee Itoobiya iyada oo qeybtaas ay leedahay taariikh dheer oo soo jireen ah oo dad ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan, siyaasad ahaan iyo dhul ahaanba ay labada dhuli kukala gadisanyihiin.

Dhulka Sare ee Itoobiya waxa uu ka koobanyahay ama caan ku yahay dhulka ay daggaan Axmaarada iyo Tigreegu. Waa dhulka ay daggaan dadka Abbysinia la yiraaahdo. Waa dad heysta diinta masiixiga ah. Siyaasad ahaan waxa ay iska soo horjeedeen oo daggaalo looltan ah ay kuwada jireen dadka dagan dhulka hoose.

Dhulka Hoose ee Ethiopia waxa uu yahay dhamaanba dhulka ka baxsan labadaas gobol ee sawirka ka muuqda kore. waxaana kamid ah dhulka Oromada, Dhulka Ogadeniya, Dhulka koonfurta Ethiopia, Dhulka Canfarta, Dhulka Gambellaha waxayna ku harreeraysanyihiin oo dhinacyada ka yihiin labadaas gobol ee Tigrai iyo amxara. Dhulkan hoose waa dhul ay Abbysinianku kusoo duuleen xoogna ay ku qabsadeen iyaga oo kaalmo ka heysta wadamada Ree galbeedka sida Portuqiiska oo ku kaalmeyay dhulbalaadhsiga qarniyo ka hor.

Hadaba goboladan hoose ee Ethiopia ka tirsan sida qowmiyada oromada, gambelaha iyo Ogadenia iyo qowmiyadaha kaleba waxay kala kulmeen cadadisyo noocyo kala gadisan ah taliska Abbysininaka oo iyagu madaxtooyada Ethiopia isusoo dhiib-dhiibayay. Waxayna cadaadis dhaqaale mid nololeed iyo ciqaab joogta ah oo leh xasuuq iyo isir tirid kula kaceen qowmiyadaha kale ee ay gumeysanayeen. Waxayna xalaashadeen dhiigooda iyo dhulkooda si ay u gumeystaan.

Hadaba dhulka hoose ee Itoobiya oo ah dhul hodan ah isla marahaantaasna ah in ka badan 85% dhulka dhan ee Itoobiya qariirad ahaan waxaa ku yaala sida uu gumeysigu ku xisaabtamayo dhul dhan 74.3 million oo hegtar oo dhul beereed dihin ah oo wali la beeranin. sidaas awgeed taliska Ethiopia oo waligoodba ku xisaabtamayay kheyraadka dhulkan ay kusoo duuleen ee loo yaqano dhulka hoose ee Ethiopia waxay u qoondeeyeen inay ka gadaan shirkado ka yimid dunida saddexaad ee addunka si ay u beertaan dhulkaas.

Waqtigii ay dhulkan kusoo duuleen Abbysinianku waxa ay u qeybsadeen dhulka si nidaam boqortooyonimo ah waxayna dhulkasta oo ay qabsadaan ay sinayeen nin ka mid ah boqortoyadooda ninkaas ayaana gumeysanayay oo kheyraadka dhulkaas gooni isaga lahaa. Waqtigii nidaamkii boqortooyonimo ee Abbysinianku u dhamaday. waxay Abbsyinianku qaateen nidaamka shuuciyada. Taas oo markale abbysiniankii ay billaabeen in dhulkii ay ku duuleen ee boqortoyooyinka loo qeybiyay ay dhahaan waxaa iska leh dowlada shuuciga ah ee Ethiopia.

Hadaba waqtigaas nidaamkii shuuciga aha ee dhulka lagula wareegayay ma uusan qaban dadyowga dhulka sare ee Ethiopia. Waayo dhulka waxaa iskalahaa shacabka ree Abbyssinia oo ninkastaba dhul gooni u lahaa. sharcigii uu taliska Mangistu soo rogay ma uusan qabanin ayaga. Balse dadkii ay ku dulleen ee dhulka hoose oo waligood laheyn xuquuq Itoobiyanimo iyaga sharcigii ayaa qabtay. sidaas ayaana dhulkoodi mar kale nidaamkii cusbaa ee Shuciyadu uu markale ku dulmiyay xuquuqdii dadka dhulka hoose iska lahaa oo dhulkoodi si xoog ah looga dhacay.

Kadib markii taliskii dhergiga laga tuuray talada ee la riday. waxaa markale xukunkii talada Itoobiya qabsaday qowmiyad kale oo kasoo jeeda Abbysina. waxayna sidii lagu yiqiinay ay markale xoog ku qaateen dhulkii shcuubta dhulka hoose ee Itoobiya oo ahaa iyagu kuwo gumeysi iyo xoog lagu heystay.

{filmikan daawo hadalka Zenawi uu caalamka ugu shegayo in dhulka uu u qaybiyay laba dhulka hoose ee (abysina waa hore ku duushay) iyo dhulka sare oo ah dhulkoda. Waxuuna Zenawi halkan ku sheegaya in dhulka hoose uu ka gadayo shirkado shisheeye oo uu lacag ka sameyn doono, Isaga oo sheegaya in dhulka sare ee abbysiniyiinta uu u deynayo dadka iska leh oo dhulkooda laga gadi doonin oo beec aheyn}

Hadaba taliska Zenawi waxa uu ku beec geeya dhulkan (hoose) madama uu heysto warqado ay ka dhaxleen gumeysigi ka horeyay ee Dhargigaga taas oo awood u siinaysa inay xoog kaga raraan dadyowga ku nool dhulka hoose halkaasna ay soo kor dajiyaan shirkado qodotto ah- dhulkii ay daganayeen dadyowga hoose. Qoyskii ama qowmiyadii ka hortimadana waxaa lagula kacaa dil, xidhay iyo iyaga oo la gubo guryahooda lana mooro duugo. waliba iyada oo loo marayo si nidaamsan oo waafaqsan nidaamka u dajisan xeerka gumeysiga Abbysina.

Dhanka kale Males Zenawi waxa uu abbaal gud u siiyay qowmiyadaha uu matalo ee Abbysinianka inuu ku fuliyo qorshayaal horumarineed oo noloshooda kor loogu qaadayo qorshahaas oo ay fulinayan Qaramada Midoobay oo uu heshiis kula galay loo yaqaano Millenium Developments si uu beesha caalamka u wareeriyo. Isaga oo dadyowga dhulka hoose ee Ethiopia kula kacaya xasuuq dhulkoodina shirkado shisheeya ka gadaya oo xaalufin kuwada dhulkaas dihin. Waxa isla mar ahaantaas uu ka gadaya beesha caalamka waji kale oo ah laba wajiilaynimo.

…....Green Revolution 

Waxa uu isku dayaya inuu fuliyo nidaamka loo yaqaano Green revolution isaga oo dhulka sare ee Ethiopia ku dhaqaya nidaamka ah in dhulkaas dadkoodi ay dhulka beertaan iyada oo haayado kasocda qaramada middoobay ay siinayaan dalaga dhulka lagu beeranayo si qoyskastaba u gaadho isku fillaasho. Kadib waxay soo saarana ay cunanaan. Hadaba Zenawi oo arrinkaas ka faa ideysanaya ayaa waxa uu soo bandhigay isbarbar dhig qowmiyadiisa Tigrega oo sanadkii 1985 ay ku habsatay abaar gaato ma reeba ahi taas oo boqolaal kun macaluul ku dishay. Hadaba qoysaskii abaartaas sameysay ayaa waxa ay ka faa ideysteen qorshe ay qaramada midobay u soo dajisay Itoobiya oo ah Millenium development kaas oo lagu hormarinayo dadyowga Itoobiya. sida filimka sare ka muuqata dadyowga Tigrega ayaa lagu tusinaya abbaarti siday ahayeen iyo maanta siday yihiin. Males Zenawi markii filimkaas uu soo bandhigay waxa uu beesha caalamka u sheegay in dhulka Ethiopia uusan ka jirin wax macaluul ahi, waxa ay macaluusha ka jirta ayuu yiri kaliya Somaliya. Waxa uu markaas ka hadlaya kaliya qowmiyadisa abbysinia oo ah miday ay u aqoonsanyihiin inay Ethiopian yihiin. dadka kale ee ku nool dhulka hoose oo macaluul dad sameys ahi ka jirto madama la bara kiciyay iyagu maahan Itoobiyaan waase dad la heysto oo xuquuq laheyn. Caalamkuna illaa hada wuu iska indho tiraya xaqiiqda ka jirta Geeska Afrika oo ah mid siyaasadeed.

qorshaha UN tu ku takulesyay Ethiopia Waxaa lagu fuliyay kaliya qowmiyada Tigreega iyo dadyowga ku nool dhulka sare ee Itoobiya ama Abbysinia. Halka dadyowga ku nool dhulka hoose ee Itoobiya lamoora duugay isla mar ahaantsaasna la xasuuqay. oo Xasuuuq iyo baro kicin laguhayo deeqda caalamku inay gaadhona hadalkeedba daa. waxaana filimkan hoose aad ku arkeysa sida loo boobayo dhulka hoose ee Itoobiya khasatan dhulka Gambela oo wariye kasocda the Guardian si-lama filaan ah uu ugu helay awood uu ku tago kuna soo duubo barnaamijkan filimka ah. daawo dadka labaro kiciyay iyo nidaamka lagu baro kiciyay waa qorshe guud oo ka socda guud ahaanba dhulka hoose ee Itobiya. Ogadeniyana waa kamid.

OGADENIYA Ma ka hirgalay Qorshahan Moora Duugtu

Sikastaba ha noqote waxaa wali ku adag gumeysiga Ethiopia in dhulka Ogadeniya ay qorshahan ka fuliyaan iyaga oo illaa hadda ku guul dareystay inay soo saaraan shidaalka Ogadeniya kana faa ideystaan kheyraadka Ogadeniya maadama oo Halgamo dhaadheer oo kala joogsi laheyn shacabka Ogadeniya kala hor tageen. Shacabka Ogadeniya ayaa yiri waad na dili karta, waadna gubi karta guryahanaga balse marna nagama adkaan kartid umana hoggaansamayno gumeysiga. Wiilasha iyo gabdhaha Ogadeniya ee u shahiiday ilaalinta dhulkooda hooyo ee mudada qarniga ah soo halgamayay oo maanta qoriga soo gaadhsiyay Jamhda ONLF waxay u tahay tusaaleyn qowmiyadaha ku hoos nool gumeysiga Ethiopia oo dhulkooda iyo kheyraadkoda sida bilaashka ah ay ku dhaceen kuna dulminayaan abbysinianku.

Haddii maanta Jamhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya aysan maanta ka daggaalami laheyn dhulka Ogadeniya waxa si badheedh ah loo dhaci lahaa kheyraadka dhulka Ogadeniya. Sida bunka looga soo saaro Oromada ee Abbysininku caalamka ugu dhoofiyaan. Bunka Ethiopia laga dhoofiyo waliga ma isweydisay dhulka laga soo saaro. waxaynu ognahay in uu yahay dhaqan Abbysinian balse dhulka laga beerto waa dhulka Oromada. Oromadana lamasiyo faa idada bunka kasoo go’a dhulkooda. fa aidadaas waxaa lagu dhisaa dhulka sare ee Abbysiniyiinta.

Ummada Somalida Ogadeniyana waxa ay noqon laheyd umad ku dhex baa’bada qowmiyadaha ka tirada badan ee Itoobiya. Luqadooda somaliga ah iyo dhaqankooda somaliga iyo diintooduba waxay noqon laheyd mid dhimata oo laga waayo caalamka haddii aysan halgami laheyn.

Bulshada somalida Ogadeniya waa inay sii xoojiyaan isgarab istaaga iyo ladaggalanka dulmiga iyo gumeystaha, waana inay taagero siiyaan walalahooda kale ee sidooda oo kale loo gumeysto sida qowmiyadaha Gambella, Oromada, Benshangulka iyo kuwa kale ay xuduudka la wadagaan.

Hoos waxaad ka aqrida journalka christian science qoraalka uu ka diyariyay likigan hoose guji

http://www.csmonitor.com/World/Africa/2011/1223/Is-Indian-investment-in-Ethiopian-farms-a-land-grab-VIDEO/(page)/2


Waxaa aqbaaradkan milki uleh www.ogadennet.com