Heesaha

Weedha naftii hure marka la maqlo waxaa laga yaabaa in dad badani ay ka irdhoobaan oo u qaataan inay tahay odhaah aan si dhab ah uga turjumaynin macnaha ay xanbraasan tahay. Shakigan waxaa gundhig u ah iyadoo dadka intooda badani aanay rumaysnayn in qof miyirkiisa qabaa uu naftiisa hurayo oo holac uu ogyahay inuu ku dhimanayo horay u sii galayo. Xataa iyadoo dadku ay arkaan ama maqlaan dad is-qarxinaya, haddana weedha naftii hure si fiican ugama daadagto.

Waliba baryahan denbe waxaa soo badanaya dadka dhalanteedka ku nool ee qiirada waddaninnimo iyo dulmi-diidka ku tilmaama doqonimo laga soo gudbay iyo “old fashion” aan casrigan xidhiidh la lahayn. Dadka noocaas ahi waxay u badan yihiin dadka fakarka gumaysiga loo xanbaariyay.

Waxaan ognahay in naftu ay tahay waxa qofka bani’aadamka ah agtiisa ugu qaalisan, suuragalna aanay ahayn inuu sahal ku lumiyo. Waxaan hubaa haddii bani’aadamka awood loo siin lahaa inay fasaxaan xilliga nafta laga qaadayo, ay dunidu buux dhaafi lahayd oo dadku meel uu ku kala noolaado waayi lahaa, sababtoo ah qof waliba wuxuu door bidi lahaa inuu sii joogo, sidaas darteed xikmad wayn ayaa ku jirta in la inoogu awood-sheegto xilliga nafta la inaga oofsanayo ee Eebihii ammaanada inoo siiyay uu mar kale la noqonayo.

Hase yeeshee saw yaab ma aha nafta sidaas u qaalisan inay dadka qaarkii u huraan wax ay aaminsan yihiin inuu ka muhiimsan yahay. Hadal murtiyeed Soomaaliyeed baa ahaa “Mar bay Geeridu Nolosha dhaantaa” Sida uu hadal-murtiyeedku tilmaamayo, waxaa jira xaalado aanuu qofka xayiga ahi u dul-qaadan karin, oo ka door-bido inuu ka dagaallamo, xataa hadduu ogyahay in dagaalkaas lagaga adkaanayo.

Marka ay geerigu nolosha dhaanto waa marka uu Abwaanka Soomaaliyeed tilmaamayee uu yidhi; “Nin milgadiisiyo mooradiisii loo dhacay, mawdkiyo geerida kama maadanaayee”. Qofka marka naftiisa, nafta dadka uu masuulka ka yahay, sharaftiisa ama xoolihiisa lagu xadgudbo waxaa la gudboon inuu dagaallamo oo iska difaaco cadowga ku xadgudbay. Waana waajib diini ah oo dusha laga saaray qof kasta oo qaangaadh ah, oo maankiisuna fayow yahay. Qofka waajibkaas gudan waayana waa qof aakhirana gabood-fal u yaallo, adduuna ceeb iyo magac xumo u taallo.

Inuu qofku naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa difaaco waa waajib shakhsi ah oo qofka gaar ahaantiisa loo saaray, hase yeeshee waxaa jira waajib kaas ka sii wayn oo muslimiinta oo dhan wadar ahaan loo saaray, lagana sugayo inay gutaan. Waajibkaasi waa waajibka Jihaadka loo yaqaano, oo muslimiinta oo dhan lagu xanbaaray inay gutaan. Waajibkani labo qaybood ayuu u qaybsamaa. Waajib caam ah (fardul caam), oo haddii qayb muslimiinta ka mid ahi ay gutaan, inta kale ka dhacaya, iyo waajib shakhsi ah (fardul kifaaya) oo qofka ay gaar ahaantiisa qasab ugu tahay inuu guto.

Haddii dalkaaga uu ku soo duulo ama qabsadaba cadow (diimo kale aaminsan) waxaa waajib kugu ah inaad dagaalka ka qayb gasho oo naftaada iyo maalkaagaba aad u hurto sidii cadowgaas dalka looga dhicin lahaa ee dowlad xalaal ah oo diinta iyo cadaalada ku dhaqanta looga taagi lahaa.

Qofka marka la yaabban naftii huranimada xaqa ahi waa qof la yaabban xugunka Eebe oo diiddan xeerka uu addoomihiisa u dajiyay. Waa qof diiddan Aayadaha Eebe Quraankiisa ku sheegay ee macnahoodu yahay “Ha odhonina dadka jidka Ilaahay loo dilay way dhinteen, laakiin way nool yihiin, Ilaahay agtiisa ayaana lagu quudiyaa”.

Qofka aaminsan inuu xaq ku taagan yahay oo gudanayo waajib Eebe saaray, marna kama farga-naxo caqabadaha ka hor-yimaada inta uu gudashada waajibkaas ku jiro. Waliba dagaalka xaqa ahi wuu ka sii xag-jiraa waajibyada kale, sababtoo ah qofku wuxuu naftiisa u hibaynayaa gaadhista himilada uu dagaalkaas ka leeyahay. Mar haddii uu naftiisa hibeeyana wuxuu dulqaad iyo samir u yeelanayaa dhibaato kasta iyo caqabad kasta oo la soo gudboonaata inta uu dagaalkaas ku jiro.

Naftii huruha JWXO wuu ka adkaysin badan yahay dadka intiisa kale, wuuna ka samir badan yahay, wuxuuna maanka ku hayaa inuu laba wanaag mid uun hali. “Dhimasho loogu danbi dhaafo ama guul lagu naalloodo”. Naftii huruhu wuxuu rumaysan yahay inuu ku taagan yahay waddadii xaqa ahayd, isla markaana uu guusha gaadhi doono, mar ay noqotaba. Wuxuuna hadh iyo habayn heegan u yahay inuu cadowgiisa wiiqo, oo cudud u sheegto calooshood u-shaqaystayaasha Itoobiya ku soo daabushay dalka Ogaadeenya.

Naftii huraha JWXO, isagoo kaashanaya shacabkiisa, wuxuu ku guulaystay inuu cadowgiisa u babac-dhigo, waxaana arrintaas caddayn u ah iyadoo xukuumadda gumaysatada Itoobiya ay si cad ugu fashilantay dhammaanba qorshayaashii ay ka lahayd dalka Ogaadeenya. Waxaan ognahay in xukuumadda gumaysigu ay dalka Ogaadeenya keentay in ka badan seddex Gaas oo ciidammadeeda rasmiga ah ka mid ah, iyo tiro kale oo intaas aan ka yarayn oo ah Malleeshiyo calooshood u shaqaystayaal ah oo laga soo kala ururiyay Itoobiya, Ogaadeenya iyo Soomaaliya. Ciidammada rasmiga ah iyo Malleeshiyadaba waxaa Ogaadeenya loo keenay inay soo afjaraan halganka ay ummada Ogaadeenya ugu jirto hanashada xorriyadeeda.

Hase yeeshee nasiib wanaag awooddaas oo dhami waxay noqotay mid fulin wayda himiladii cadowga ee ahayd in la wiiqo halganka xaqa ah ee Ogaadeenya ka socda. Waxay noqotay mid ka gaabisay qorshayaahsii uu gumaysigu maanka ku hayay ee ahaa inuu dadwaynaha Ogaadeenya ee keena-diidka ah awood ku muquuniyo, si uu ugu gacan bannaanaado boobista khayraadka dabiiciga ah ee dhulkiisa Eebe ku mannaystay.

Dabeecadaha gumaystaha lagu yaqaano waxaa ka mid ah inuu dadwaynaha rayadka ah ku cargaagtamo, marka goobaha dagaalka iyo kuwa diblumaasiyadeed lagaga guulaysto. Toddobadii sano ee ugu denbeeyay wuxuu gumaysigu dalka Ogaadeenya ka waday xasuuq ba’an oo sahayday kumannaan ka mid ah shacabka aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya. Wuxuu sidoo kale xabsiyadiisa naxariis darrada ah ka buuxiyay tiro intaas aad uga sii badan, kuwaasoo loo gaysto jidhdil iyo arrimo kale oo bani’aadamnimada ka dhan ah. Gumaysigu wuxuu gubay tuulooyin iyo aqallo soomaali aan tiro lagu soo koobi karin.

Wuxuu boobay hantidii dadwaynaha oo ku quudiyaa ciidammadiisa iyo malleeshiyooyinka calooshood u shaqaystayaasha ah ee u adeega. Wuxuu gumaysigu dalka Ogaadeenya ku hayaa cunaqabatayn aan caadi ahayn, iyadoo hay’adaha caalamiga ahi ay isaga wada-markhaati kaceen in cunaqabatayntaasi ay dadwaynaha rayadka ah u gaysatay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin.

Waxay sidoo kale dunidu hadda gar-waaqsatay cabashooyinkii inta badan loo soo gudbinayay ee ahaa in xukuumadda gumaysig Itoobiya ay kaalmooyinka bani’aadamnimo u isticmaasho hub ay kula dagaallanto xoogagga ka soo horjeeda iyo shacabkooda.

Gumaysigu wuxuu sidoo kale dadwaynaha Ogaadeenya ka ugaadhsadaa wadammada jaarka la ah Ogaadeenya, sida Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti. Waxaa jira dad badan oo Ogaadeenya u dhashay oo siyaabo kala duwan loogu laayay xeryaha qoxootiga ee Kenya iyo meelo kale oo Kenya ka mid ah, waxaana ugu denbeeyay Alla ha u naxariistee C/risaaq Tiibaa iyo Cbadi C/llaahi. Dilalka fulaynimada ah ee noocanoo kale ah waxaa ka denbaysa xukuumadda gumaysatada Itoobiya, oo markay ku fashilantay dagaalkii gudaha Ogaadeenya ka socday doonaysa inay dagaalka meelo kale u rarto, hase yeeshee waxaa xaqiiqo ah inay midkana ugu guul-darraysan doonto sidii ay kii horaba ugu guul-darraysatay.

In kastoo denbiyada uu gumaysigu ka galayo dadwaynaha Ogaadeenya ay yihiin kuwo laga xanuunsanayo oo jidhku ka gubanayo, haddana waxay dadwaynaha laftoodu aaminsan yihiin in denbiyadaasi ay yihiin kuwo la filayay oo lagu talagalay markii la qaatay go’aanka ah in dalka laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya. Waxay aaminsan yihiin inaanay jirin waddo sahlan oo xorriyada loo maro. Xorriyadu waxay ku timaadaa dhiig daata iyo dhib loo badheedho, waxayna u baahan tahay dulqaad iyo adkaysi loo yeesho dhibaatooyinka ku meermeersan.

Hase yeeshee in kastoo dadwaynaha Ogaadeenya iyo naftii huraha JWXO-ba ay ku talagaleen dhibaatada dhinaca gumaysiga kaga imanaysa, haddana ma oggolaan doonaan in dhiiggoodu hadur noqdo, waxayna hubaan inay oohintu ku denbayn doonto gumaysiga iyo inta u adeegaysa.

Wadani Abdirauf OYSU-SWEDEN abuuazhar@hotmail.com