Shirarka

                                      Shir ay kasoo qayb galeen hawl-wadeenka iyo Hoggaaminta Jabhada waddaniga xorraynta Ogadenya ayaa kadhacay magaalada Helisinki ee wadanka Finlad intii u dhaxaysay 21-23 Diseembar 2011.

Shirkan oo sihufan loo aggaasimay ayaa waxaa lagga hadlay lagguna qiimeeyay hawlaha halganka ee sanadka 2011 gudde iyo dibadba ,isla markaana waxaa shirka lagu qorsheeyay Horrumarrinta hawlaha sanadka inagu soo fooleh ee 2012.

378480-2735858589389-1045079714-2991809-1766336932-n.jpg

Jaaliyadaha iyo hoggaamada Jabhada Waddaniga Xorraynta Ogadenya ayaa soo bandhigay warbixino lagu diirsaday oo kusaabsan wax qabadkoodi sanadkan 2011.

qiimayn iyo warbixinada kadib, Waxaa laysku afgartay,in jaaliyadduhu horrumar kasamayeen xidhiidhka ay la leeyihiin bulshooyinka iyo dawladaha ay la noolyihiin,waxaana lagu booriyay in ay hawl wadeenadu sii xoojiyaan xidhiidhka wanaagsan.

Warbixinadii ay soo jeediyeen hoggaamada kala duwan ee Jabhada Waddaniga Xorraynta Ogadenya ayaa waxay dhamaan cadeyeen dhibaatada iyo gabood falka isugu jira dil,xidhay ,dhac iyo kufsi uu gummaysigu kuhayo shacabka Somaalida Ogadenya in uu sii kordhayo maalinba maalinka ka danbeeya. Waxaa laysla gartay in ay muhiimtahay in loo diyaar garroobo jilaafooyinka iyo dhagarta gummaysiga iyo gummaysi kalkaalka gudde iyo dibadba. Shirku wuxuu canbaareeyey Gaboodfalka joogtada ah, ee ciidamada gummaysiga Itoobiya ay kuhayaan shacabka bir magaydada ah Soomaalida Ogadeniya.

Waxaa kale oo shirku canbaareeyay,xidhayga gardarada ah iyo xukkunka cadaalad darada ah ee loo gaystay Wariye Martin iyo Sawir qaade Johan oo ah wariyaal madax banaan oo Swedish ah oo lix bilood kahor ciidanka Itoobiya kasoo qabtay waddanka Ogadenya iyagoo guddanaya waajibkooda suxufinimo.

Shirku wuxuu caalamka ugu baaqay in ay Itoobiya ku cadaadiyaan in ay joojiso gummaadka go'doomintana ka qaado shacabka aan waxba galabsan. Shirku wuxuu caalamka ugu baaqay in uu xal waaro u hello dhibaada gaamurtay ee ay Itoobiya kudoonayso in ay ku guumaysato shacabka Somaalida Ogadeniya. shirka ayaa kusoo gabagaboobey guul iyo is afgarad ujeedooyinkii laga lahaana laga gaadhay.

Warkan waxaanu kasoo xiganay Qorahay.com