Wararka

Dec 18, 2011

Xigasho. Qorahay Media.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 17/12/2011 ayaa waxaa shir balaadhan isugu yimid sidii caadada u ahayd ururka oysu faraciisa magaalada Perth, Shirka aya sidii caadada u ahayd waxaa lagu furay aayado Quraan ah iyo wacdi kooban.

Is baraarujin kadib ayaa shirkii la guda galay waxaana furay Xoghayaha Ururka una mahad celiyay dhalinyarada iyo sida quruxda badan ee ay shirarka uga qayb qaatan uguna soo dhaweeyeen dhalinyarada cusub oo nooga yimid Dalka Eretria. khudbo dheer kadib ayaa waxaa la gudo galay is barasho iyo warbixino ay isa siinayeen labada dhinacba waxaana warbixin kooban siiyay dhalinyarada cusub gudomiyahaOYSU Perth Mudane Ahib Sheikh Abdi iyo Yahye sheikh.

Warbixin dheer kadib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay mid ka mid ah dhalinyarada cusub laguma magacaabo Mohamud oo isaguna warbixin kooban kasoo jeediyay meeshuu ka yimid iyo ururka OYSU siduu uga shaqeeyo, daqiiqado yar kadib ayaa waxaa kaloo lagu soo dhaweeyay Abdifatah oo isaguna aad ugu guubaabiyay dhalinyarada iyo doorka ay halganka kaga jiraan Abdifatah oo aad u amaanay ururka OYSU guud ahaan ayaa hadana waxaa hadalkiisii mid ahaa "dhalinyarada waxaa looga baahan yahay inay qurba joogta nabada beenta ah lagu soo xero galinaayo inay ka wacyi galiyaan beenaha qarsoon ee gumaysigu maleegaayo, kollay ruux Ogadenia ama Afrika joogaa wadanka waa nabad laguma odhan karo mana qaadanayee’

Dhalinyaradan cusub oo aad oogu farxsanaa soo dhawaynta iyo sida quruxda badan ee ay jaaliyada Somalida ee Perth iyo ururka dhalinyaradu usoo dhaweeyeen ayaa waxay aad oogu mahad celiyeen jaaliyada iyo Ururka OYSU Perth.

Nimco Sharaf
Qorahay Media
Perth Australia